Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan.
Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo sidii loo de dejin lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hada golaa gacanta ku haayo.
Kulanka uu Gddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu la qaatay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.