Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhamaan madaxda kale ee hay’adda,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka El-Niño.
Duqa Muqdisho ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyed si gaar ah shacabka Caasimada ugu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan,kana xajimi badan kuwii hore, lagana fogaado goobaha biya mareenada ah.
“Isbuucyada nagu soo wajahan waxaa nagu soo socda Roob xoogan waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu baqayaa in ay taxadaraan oo ay feejignadaan.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo Maanta la hadlaayay Warbaahinta.