Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay wadada Laamiga ee Via Moscow oo isku xerta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi. Iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu kula dar-daarmay shacabka Degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan Bilicda, Nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo.