Wararka aan ka heleyno Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax ka dhacay Maanta halkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii amniga iyo siyaasada degmadaas.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa uu ka dhacay bartamaha Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Guddoomiye kuxgeenkii amniga iyo siyaasada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa ku geeriyooday qaraxaas,waxaana ku dhaawacmay laba Askari ,kuwaasi oo ku sugnaa Maxaas.
Dadka deegaanka oo la hadlay  Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan,isla markaana jugtiisa si weyn looga maqlay gudaha deegaanka,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Maxaas,waxaana halkaas ay qaadeen Meydka Guddoomiye kuxigeenka,sidoo kalena goobta ka wada baaritaano kala duwan.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoo sheegay inay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas,Sarkaal Boolis iyo Ciidamo ilaala u ahaa.