Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowhar ku doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanada ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad u doortay inuu noqdo Siraaji Sheekh Isaaq Cabdullaahi, kaasi oo loogu Codeeyay Cod gacan taag ah, waxaana uu helay 95 Cod, mana jirin wax ka aamusay ama diiday.
Inta aysan bilaaban Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa tartanka ka tanaasulay Saadaq Salaad Warsame oo ah Musharixii la tartami lahaa Guddoomiye Siraaji Sheekh Isaaq.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa daqiiqado kahor doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.
Sidoo kale waxaa bilaabaneysa doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad, waxaana ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.