Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay ee Al shabaab ka geyateen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Meelaha uu booqday Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka waxaa ka mid ah ICU-da isbitaalka Digfeer oo ah qeyb la geeyo dhaawacyada ay xaaladoodu darantahay, waxaana dhaqaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaalada bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hada ula tacaalaan.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay, isla markaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.
Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdullaahi Axmed Cali Waafow iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la joogay, waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-shabaab.