Guddoomiyaha Barlamaanka Fedeeralka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan “Jawaari” ayaa barqanimadii maanta daah-furay Khudbad-jeedinta 8 Murashax oo ka mid ah 24-ka Murashax ee u taagan Doorashadda Madaxtinimadda, oo maanta ka bilaabantay Xarunta Golaha Shacbiga Qaranka ee magaalladda Muqdisho.
Guddoomiyaha waxa uu Xilddhibaanadda ugu baaqay inay si deggan u dhegeystaan Khudbadaha Murashixiinta, isla markaana ay wada joogaan Golaha muddada ay socdaan Khudbadaha.
“Xildhibaanadda ha tixgeliyaan Sharciga, isla markaana ha wada dhegeystaan Murashixiinta oo dhan” ayuu yiri Jawaari, oo intaasi ku daray inaan Hoolka laga bixin inta ay Khudbadaha socdaan.
Waxa uu carrabku ku dhuftay inaysan Xildhibaanadda mudnaan kala siinin Xildhibaanadda ama ay dhegeystaan Murashixiin Khaas ah.
Khudbad-jeedinta Murashixiinta oo si toos ah looga daawanayo Telefishinadda ayaa waxaa maanta hadli hadli doona  8 Murashax, kuwaasi oo kala ah:
- Xasan Sheekh Maxamuud
- Shariif Sheekh Axmed.
- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
- Jibriil Ibraahim Cabdulle
- Saciid Cabdullaahi Deni
- Saciid Ciise Maxamuud
- Axmed Maxamed Cabdi iyo
- Bashiir Raage Shiiraar.
Maalinta Sabtida ayaa la filayaa inay 8 Murashax oo kale khudbadahooda jeediyaan, haalka 8-da ugu dambeysa ay maalinta Axadda ee soo socota laga dhegeysan doono Khudbadahooda.
©Radio Dalsan