Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka, Maxamed Shiikh Cusmaan “Jawaari†ayaa sheegay in qof kasta oo qeyb ka ah Adeegga Dowladda ee lagu helo  Fal Musuq ah in lala tiigsan doono Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadlayey Khudbad-jeedinta 9-kii Murashax Madaxweyne ee maanta hor tegay Xildhibaanadda BFS ayaa ku nuuxnuuxsaday  in Shaqsiga lagu helo musuq inuu muteysan doono Xabsi u dhexeeya 3 sanno ilaa 10-sanno, Ganaax Lacageed iyo in laga mamnuuco  in Xil Dowladood loo magacaabo.
Guddoomiye Jawaari waxa kale oo uu sheegay inuu Xeerkasi qaban doono Odyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka iyo Dadka sida mutadawacnimadda ugu adeega Bulshadda.
Waxa uu ugu baaqay Hay’addaha Garsoorka inay boorka ka jafaan Xeerka Ciqaabta ee La-dagaalanka Musuqa, wuxuuna kula dardaarmay inay Garsoorayaasha dib u firrinin Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Nuxurka hadalkiisa ayaa u muuqda mid looga digayo Murashixiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanadda inaysan ku kadsoomin Musuqa, iyadoo bishan February 8-da la dooran doono Madaxweynaha cusub ee JFS.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreeysay ee uu Guddoomiyaha BFS carrabka ku dhufto La-dagaalanka Musuqa, iyadoo la og yahay inay Dowladda Somalia sannadkii 10-aad safka hore kaga jirto dalalka Caalamka ee uu musuqu la degay.
©Radio Dalsan