Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladdaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Muumin Maxamed Xalane (Eelaay) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Maxaas, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Caadle, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cabdi Muumin Cilmi.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasada iyo Maaliyada Gobolka Hiiraan oo laga dhigay Abuukar Cabdullaahi Maadey.
Wasiir Caadle ayaa dhammaan Hay’addaha amniga iyo shacabka faray inay la shaqeeyaan Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay, waxaana labada Mas’uul laga dalbaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.