Waxaa magaalada Muqdihso maanta ka dhacay shirweynihi labada ee heer doorasho kaasoo lagu dooranayay hoggaanka xiriirka Somaaliyeed ee kubadcagyraha ( Somaali Mini Football).
Shirweynaha waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Golaha Shacabka , Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga JFS , Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed, Madaxda xiriirada heer qaran, Gobolka Banaadir, Xil dhibaano hheer maamul-goboleed, Xiriirada kubadcagyaraha Maamul Goboleedyada dalka, Naadiyada Xiriirka kubad cagyaha Soomaaliya, Ururada, halyeeyo Isboortiga qeybahiisa kale duwan a iyo marti sharaf kale.
Xilka Guddoomiyaha oo ay u cdoeynayeen 19 Xubnood waxaa u tartamay  Aadan Cabdulle Mahdi iyo Saalx Maxamed Naaji, waxaana 17 cod  ku guulaystay Aadan Cabdule Mahdi halka 2 Cod uu helay Saalax Maxamed Naaji.
Guddoomiye ku xigeenada waxaa u tartamay 3 musharax oo kala ahaa Xasan Cabdi Goodax, Abuukar Xasan Yuusuf iyo Cabdi Xakiin Xuseen Islow.
Xasan Cabdi  Goodax oo helay 17 iyo Abuukar Xasan Yuusf oo helay 13 Cod ayaa  ku guulaysatay halka cabdixakiin Xuseen Islow uu helay 2 cod.
Xubnaha oo ay u taagnaayeen 5 xunbood oo laga doonayay 4 xubnood waxa tanasulay Cabdulqaadir Maxamed Sugoow, waxaana cod gacan tag ah loogu codeeyay Cabdi Maxamed Xasan, Cabdulqaadir Xaaji Dacar, Saacid Cadbi Xuseen iyo Ikraan Cabdullaahi Maxamed.
Guddoomiyaha La doortay Aadan Cabdule Mahdi oo shanti snao ee lasoo dhaafay ahaa Xoghayaha Xiriirka Kubadcagyaraha Sosomaaliyeed ayaa mahad celin usoo jeediyay   dhamman xubnihii u codeeyay , Wasaaradda dhallinyarda Isboortiga o iyo halyeeyada Isboortiga o garab-istaag u sameeyay  xiriirka muadii shanti sano ee lasoo dhaafay iyo hanaanka diyaargarowga iyo qabsooamda  doorashadan, waxuna ballan qaaday in isag iyo guddiisa fulinta ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii xiriirka kubad cagyraha Soomaaliyeed horumar dagdag ah ku gaari lahaa.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhallinyarda iyo isboortiga Isaaq Xaashi Jimcaale oo shirweyanah soo xeray ayaa sheegay in doorashada ku dayasho mudan uu sameeyay xiriirka kubad cagyraha soomaaliyeed si xaq iyo xalaal ahna ay u dhacday xiriirada kale ee dalkana laga doonayo inau ay ku daydaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyraha.
Hogaanka shanta ssano ee soo socota hogaamin doona Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcagyaraha.
1- Aadan Cabdulle Mahdi                Guddoomiye
2- Xasab Cabdi Goodax                      Guddoomiye ku xigeen
3-Abuukar Xasan yuusuf                   Guddoomiye ku xigeen
4- Cabduqaadir Xaaji Dacar Xubin
5- Cabdi Maxamed Xasan Xubin
6- Saacdi Xuseen Cabdi  Xubin
7- Ikraan Cabdullaahi Maxamed Xubin