Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulankii Maanta Golaha ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo wareegto soo saaray ayaa waxaa Madaxa hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare loogu magacaabay Senatar Zamzam Ibraahim Cali, halka ku-xigeena looga dhigay Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama).
Magacaabista labadaan xubnood ayaa waxaa Ansixiyay Senatorada Aqalka Sare oo qaab gacan taag ah ku meel-mariyey, waxaana wareegtada magacaabista kahor Akhriyay Golaha Xoghayaha Aqalka Sare.
Senatar Zamzam Ibraahim Cali oo laga dhigay Madaax hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare oo la hadashay warbaahinta ayaa soo dhaweysay xilkaas loo magacaabay, iyadoo sheegtay inay horey Golaha uga soo noqotay Guddoomiyeyaal Guddi.