Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho rasmi ah ku yimaado magaalladda Muqdisho, waxaana haatan socda Dhaqdhaqaaq loogu diyaar garoobayo  soo dhaweyntiisa.
Waxaana saakayto wada xiran dhamaan Waddooyinka muhiimka ee magaalladda Muqdisho, gaar ahaan Jidka dheer ee isku xira Garoonka Diyaaradaha ilaa Madaxtooyadda.
Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamadoo u dhashay dalka Chad ayaa la filayaa inuu Kulamo la yeesho Madaxweyne Farmaajo, Taliska AMISOM iyo Saraakiisha Hay’adaha Caaalamiga.
Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la yeelanayo ayaa waxa uu ka dhici doonaa Garoonka Diyaaradaha, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo muhiim ah, waxayna kaga hadli doonaan Arrimaha Abaaraha, Hawlgalka AMISOM iyo La-dagaalanka AMISOM.
Waa Safarkii ugu horreeyey ee uu Moussa Faki Mahamad ku yimaado Somalia, tan iyo markii loo doortay Xilkaasi bishii January ee sannadkan, kadib, markii u uka guuleystay Musharixiin ka kala socotay Kenya, Senigal, Botoswana iyo  Equatorial Guinea.
Waxa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa Macluusha iyo Abaaraha ka taagan dalalka  Somalia, South Sudan iyo W/bari ee Nigeria.
©Radio Dalsan