Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gelinkii dambe ee Maanta Magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare loogu magacacabay inuu nqodo Cabdullaahi Maxamuud Gacal.
Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Cabdullaahi Gacal lagu dhaariyay gudaha Xarunta Madaxtooyada Maamulka.
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu 45-kii sanno ee la soo dhaafay uu kamid ahaa xubnaha Garsoorka dalka.
“Waxaa galabtay madaxweynaha Galmudug uu magacaabay, isla markaana lagu dhaariyey madaxtooyada guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dawladda Galmudug Md. Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka ka mid ahaa. Galmudug waxaa u buuxsamay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay†ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.