Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Guddoomiye Shuute ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmadaas, kan Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri uu degmada Balad-xaawo ka bilaabo dhageysiga dacwado la xariiro Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo falal amni darro ka sameeyay degmadaas.
Sidoo kale Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kulamo kala duwan la qaadan Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.
Si kastaba Degmada Balad-Xaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo u dhexeeya Ciidanka Dowladda ee kal hore halkaas la geeyay, waxaana ugu dambeeysay maalintii shalay oo Balad-xaawo uu ka dhaxay dagaal geystay Khasaaro dhaawacyo ah.