Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda Warbaahinta ka howlgashay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan yeelan doona.
Warar Idaacada Dalsan ee Muqdisho ay heshay ayaa sheegaya in kulankaas looga hadli doono arrimo ku aadan kulamada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan dhinaca Warbaahinta.
Madaxda iyo Agaasimeyaasha warbaahinta sida TV-yada,Idaacadaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wargeliyay inay yimaadaan Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,isla markaana ay yeelan doonaan kulan muhiim ah oo looga arrinsan doono howlaha Baarlamanka.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa,kadib markii kulankii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee looga hadli lahaa Xaalada amni ee dalka uu u baaqay khilaaf ka dhashay in Warbaahinta dibada looga saaro kulankaas,iyadoona arrintaas Xildhibaanada labada garan ku kula noqdeen,hayeeshee markii dambe kulanka uu haayay buuq,sidaasina uu ku baaqay.