Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo khamiis ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan hamza asad Hashem.
Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta iyo xiriirka barlamaanadda Qatar iyo soomaaliya , iyada oo safiirkana uu gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay soomaaliya ka wadaan.
Kulanka u dhexeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha iyo xubno la socday Safiirka.