Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimada la qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Qeybta Guud Gobolka Benaadir, Taliyaha NISA Ee Gobolka Benaadir, ee Ciidanka Boliiska soomaliyed iyo Saraakil katirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Amisson.
Kulanka waxaa uu ka dhacay xaruunta Dowlada Hoose ee Xamar.
kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sidii loo diyaarin lahaa qorsha lagu xaqiin karo amniga caasimada iyo sidii ciidamada amniga Qaranka iyo kuwa AMISOM ay door uga qaadan lahaayen.