Magaalo-Xeebeedka Durban ee dalka Koofur Afrika ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka furmay Shirka Caalamiga ah ee Barasaabyada Caalamka, kaasi oo ka qeyb galayaan Madaxda Barasaabyada.
Shirkan ayaa dowladda Somalia waxaa uga qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan gaaray dalka Koonfur Afrika.
Yuusuf Cumar ah oo ah Agaasimaha xiriirka Dadweynaha ahna kaaliyaha Duqa Magaalada oo ka mid ah Xubnaha la socda Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in Soomaaliya uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Shirka.
Sidoo kale Yuusuf Cumar ayaa waxaa uu sheegay in Caasimadda dalka ee Muqdisho ay ku talaabsaneyso horumar weyn, isla markaana Caasimadda ay dib ula midoobayso Magaalooyinka kale ee Caalamka.
Dhinaca kale Guddoomiye Cumar Finish ayaa kulan la qaatay dhigiisa Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, iyagooan ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Magaalo