Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo ismiidaamin ah oo saaka  lagu weeararay degmada baardheerE Gobolka Gedo, waxaana si gaar ah loo weeraray Guriga Martida Degmada oo la sheegay inay degaganaayeen Masuuliyiin ka tirsan Gobalka.
Weerarka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in Guriga lagu qaaday ay deganaayeen Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale ) iyo guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay,waxaana warar hoose ay tilmaamayaan in Masuuliyiin ay ku dhaawacmeen oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka.
Dhammaan waddooyinka soo gala magaalada ayaa la xiray, waxaana socda howgallo ballaaran oo ay wadaan Ciidanka amamanka.