Waxaa Goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban, kadib markii xilka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Guddigaas.
Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tanaasulay Musharax Mustaf Macalin.
Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ayaa Cod gacan taag ah ugu coddeeyay, kuna doortay in Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka uu noqdo Maxamed Cawil Warsame oo kamid ah xubnaha Guddigaas.
Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa ka dhigan in mar kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu la wareegay hoggaanka Guddiyada doorashooyinka dadban.
Maalmo kahor ayaa waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, waxaana xilkaas ku guuleystay oo loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.