Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii maalmo kahor uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed xilkaas u magacaabay.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday Magaalada Baraawe ee Gobolka, isla markaana waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa xilka Gobolkaas ku wareejiyay Guddoomiye Cabduqadir Maxamed Nuur Siidii oo isna horey u soo qabtay xilkaas oo in muddo ah haayay.
Cabduqaadir Siidii ayaa Ibraahim Najax uga mahadceliyay shaqooyinkii Gobolka uu kasoo qabtay, wuxuuna ballan qaaday inuu shaqooyin kale Gobolka ka qaban doono inta uu xilka haayo.
“Waxaan u mahacelinaa cid kasta oo garab igu siisay shaqooyinki aan soo qabanay oo ugu horeeyo Lafat-gateen oo ii oggolaaday inaan u adeego bulshadeyda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS, iyo DFS Wasaaradda Warfaafinta XFS, Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM Saaxibadda Caalamka si gaar hey’adaha xilliga adag nagala shaqeeyay gobolka iyo Guud ahaan Dowladda FS†ayuu yiri Ibraahim Najax.