Munasabad kooban uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Cabdi casiis Mahdi Faarax Cabdulle ayaa galabta lagu qabtay xarunta Degmada cabdi casiis ee Gobolka Banaadir.
Munasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Shakeeti) xildhibaano iyo marti sharad kale.
Gudoomiye Basma oo xaflada ka hadashay ayaa ka codsatay shacabka rer Cabdi Casiis in ay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub si uu u guto xilkiisa.