Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku maqan dalka dibadiisa ayaa markii ugu horeysey waxa uu ka hadlay kala diristii guddiga maaliyada Baarlamanka ee uu sameeyey Guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad.
Gudoomiye Mursal oo hadda ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegey in beri dib ugu soo laaban doono Muqdisho, dibna ay u eegi doonaan go’aanka kala dirista gudiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Guddoomiye Mursal oo la hadlay VOA-da ayaa si toos uga hadlin go’aankii lagu kala diray  guddiga maaliyada Baarlamanka,hayeeshee waxa uu tilmaamay in la ilaalin doono xeerhoosaadka Baarlamaanka.
Guddiga Maaliyadda ayuu sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan inay shaqada u dhiibeen Baarlamaanka,isla markaana gudigaasi shaqadooda ga’aan laga gaari karo.
Dhinaca kale Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in baaritaano lagu sameeyno doono sax ahaanshaha go’aankii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey uu qaatay,isla markaana uu ku kala diray guddiga maaliyada Baarlamanka.