Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ayaa xafiskiisa ku qaabilay Madaxeeynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye.
Kulanka dhexmaray Guddoonka Aqalka Sare iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka 2020/2010 iyo arrimaha  Galmudug.
Madaxeeynaha Galmudug oo ay la socdaan wafdi ay kamid yihiin xubno isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaas ayaa haatan ka qeyb galay kulan u socda Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare.
Qoorqoor ayaa khudbad u jeedinaya Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare, waxaana Khudbadiisa uu uga hadli doonaa Xaaladda Galmudug, dib u heshiisiinta, amniga, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha doorashada 2021 iyo maareynta marxaladda klala guurka.
Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kahor jeediyay warbixin isaga oo ku soo dhaweeyay Madaxweeynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, isaga  oo warbixin kahor jeediyay haatan Guddiga Joogtada Aqalka Sare -BFS.