Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Dib-u-eegista Dasturka, Doorashooyinka soo socda ee 2020/2021 iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaarto Doorasho qof iyo Cod ah.
Sidoo kale kulanka dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo  Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa looga wada hadlay shaqada Midowga Yurub gaar ahaan Sweden ka waddo gudaha dalka.
Safiir Staffan Tillander ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uga mahadceliyay qaabilaadiisa, isagoo ku boggaadiyay dardar gelinta howlaha muhiimka iyo shaqooyinka horyaalla Aqalka Sare.
Dowladda Sweden ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.