Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa Goordhow waxaa ka furmay kulan Madaxweynaha dolwad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madoobe uu Khubdbad ugu jeedinayo Golaha Aqalka Sare.
Kulanka ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoona Khudbad ka jeediyay kulankaas, wuxuuna ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo kale.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya haatan uu u baahan yahay in la badbaadiyo, isla markaana tilmaamay in muhiim ay tahay in wadahadalo laga yeesho marxalada kala guurka ah ee dalka iyo Doorashada 2020/2021.
Waxaa uu Guddoomiyaha Aqalka Sare ku baaqay in shir la isugu yimaado oo la wada-hdalo, isla markaana hoogaamiyeyaasha siyaasadda ay sameeyaan tanuusl, si heshiis rasmi ah looga gaaro doorashada dalka ka dhaceysa.
Isaga oo sii hadlaayay Cabdi Xaashi ayuu Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ka dalbaday in wadahadal isugu yeeraan saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wadatashado sidii dalka loo bad baadin lahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Deni kula dardarmay in aysan Magaalada Muqdisho ka tegin illa xal laga gaaro arrimaha uu Khilaafka ka taagan yahay.