Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa la kulmay guddiga Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddiga waxaa uu  ka dhagaystay warbixin ku aaddan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka Dastuurka, kuwaas oo loo baahn yahay in wax laga qabto.
Intii kulanku socday ayaa Guddoomiyahu wuxuu bogaadiyey hawsha ay qabtayn labada guddi. Waxaana guddigu ay soo gudbiyeen arrimo dhowr ah oo la xariira wax yaabihii u qabsoomay iyo sidoo kale wax yaabo kale oo loo baahan yahay in wax laga qabto, kuwaas oo u muuqda in ay caqabad ku yihiin howlahooda guddi ahaan.
Maxamed Mursal ayaa dhagaysiga guddiga kadib waxaa uu ku bogaadiyay howsha ay hayaan, asagoo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadahaas ay usoo gudbiyeen guddiga guddiga Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.
Guddiyada Baarlamanka ayaa waxaa ay wadaan dar-dargalinta shaqooyinka loo xilsaaray, waxaana guddigan uu maanta la kulmay guddoomiye Mursal ay ka mid yihiin guddiyada Baarlamanka ee ku howlan shaqooyinka loo xilsaaray.