Wafdi uu hogaaminaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi  ayaa la filayaa in sacadaha soo aaddan uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudg.
Guddoomiyaha ayaa waxaa socadalkiisa ku weheliya iyo Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, waxaana sida la sheegay safarkoodu la xariiraa ka qeeyb galka furinta fadhiga Baarlamanka Galmudug oo lagu wado in uu maanta Furmo.
Sidoo kale wararku waxaa ay sheegyaan in guddoomiyaha iyo wafdigiisu ay halkaas u tageen safari shaqo, balse wali guddoomiyhu ma caddeeyn u jeedkiisa marka laga reebo in ay ka qayb galayaan furitaanka Baarlamaanka Galmudug.