Waxaa Maanta deegaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose gaaray wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya u xil saartay dhacdadii lagu dilay 10 Ruux ee k dhacday duleedka Bariire xili ay dadkaasi ku sugnaayeen beertooda.
Guddigaan ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiirka Amniga Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.
Guddigaan ayaa waxaa laga sugayaa in mudo Shan Maalmood ah ay ka keenaan Warbixin,iyada oo haatan laba maalin kaliya ay u hortay.
Maanta ayaa waxa ay la kulmi doonaan Waxgaradka iyo bulsahda ku nol deeganka bariire, sigaar ah waxa ay u tegi doonan Goobtii uu weerarka ka dhacay ee 10,Ruux lagu dilay