Guddigii Xukuumadda Soomaaliya u xilsaartay baaritaanada dhacdadii deegaanka Bariire ayaa Maanta la filayaa in ay tagaan halkaasi kadib markii shalay ay ka baaqsadeed.
Guddigaan oo ka kooban Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Wasiirka amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,kuwaas oo maanta tagaya Bariire.
Guddigaan ayaa shalayboo Axad ah waxa ay la kulmeen ehelada dadkii lagu dilay howlgalkii Bariire,waxaana laga sugayaa in mudo 5 maalmood ah ay ku keenaan jawaab sax ah.
Socdaalka Bariire ee Guddigaan ayaa waxaa ku Wehlin doona qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ehelka la ah dadkii la dilay,iyada oo guddigaas dadka Soomaaliyeed ay isha ku hayaan waxa ay keenaan.