Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka GalmudugΓΒ Maxamed Nuur Gacal ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada iyo soo diyaarinta Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Galmudug kaasi oo dhawaan la filayo in uu furmo.
Waxaa guddigu uu ka kooban yahay shan xubnood, waxaana ay ka shaqayn doonaan qaban qaabada kala fadhiga labad ee Baarlamanka Galmudug.
Xubnahaan ayaa kala ah: Xil. Cabdulqaadir Juune Barre, Xil. Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi, Xil. Axmed Maxamed Faarax, Xil. Xassan Xirsi Xaashi iyo Xil. Muxiyadiin Shiikh Cabdullaahi Cismaan.
hoos ka Aqriso Guddiga