Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo ay Magacaawday dowladda Federaalka ayaa iska dhex dooray Guddi Cusub.
Guddigan la doortay ayaa ka shaqeyn doona xalinta cabashada soo wajahda Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug uu yeelan doono, kuwaasi oo ay soo xulayan Odayaasha dhaqanka ee dhawaan la xeereeyay.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye loogu doortay Cabdulqaadir Nuur Caraale oo ah Aqoon yahan leh khibrad iyo waayaragnimo, isla markaana wax ka soo dhisay dawlado badan oo dalka soo maray, waxaana Guddoomiye ku-xigeen looga dhigay C/risaaq Khaahiye, halka Xoghaye isna laga dhigay C/rashiid Cali.
Waxaa kaloo C/qaadir Nuur uu soo qabtay xilal kala duwan, heer xildhibaan iyo here wasiirnimo, Waa shakhsi lagu tilmaamo xilkasnimo, xaqsoorid iyo caddaalad lehna aragti qotodheer dhanka dhismaha dawladnimo wax ku ool ah.
Si kastaba Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.