Maanta oo Sabti ah ayaa Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka waxa ay Magaalada Muqdisho ku qaban doonaan kulan  Dhageysi Dadweyne oo kusaabsan Miisaaniyadda 2018.
Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa kulankaan ku marti qaaday qeybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaas oo ka qaadi doona xog uruurin ku saabsan  Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka oo Baarlamaanka Guda Galay Aqrinteeda 20-kii December ee Sanadkaan.
Miisaaniyada dowladda ee Sanadkaan ayaa ka badan Miisaaniyadii dowladihii hore,waxna qeyb ka ah Sanadkaan Miisaaniyada Warsahda Dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Miisaanaiyadda faraha badan ee Dowladda ayaa qorshuhu yahay in wax looga arrimo ay ka mid yihiin Caafimadka, Waxbarashada, iyo dhismaha Xrunta Akeedamiyadda fanka iyo Suugaanta si lo xoojiyo fka Soomaaliga.