Guddiga KMG ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan u magacaabay diyaarinta Warbixin ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa.
Ajenaha kulanka ay yeesheen Guddigaas oo ka kooban 9-xubnood ayaa waxaa uu ahaa qorshe howleedka loo xilsaaray Guddiga ee ah COVID-19 iyo u yeeridda Hay’addaha Caafimaadka ee ugu sarreeya dalka Soomaaliya.
Magacaabista Guddiga ayaa ku timid, kadib markii Guddoomiye Mursal uu dhageystay Warbixintii saameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 ay Golaha kahor jeediyeen Guddigii sugida Cuntada iyo Nafaqada.
Guddigaan  ayaa loo xilsaaray diyaarinta warbixin dhameystiran oo ku aadan Natiijada kasoo baxda xog uruurin ku aadan saameynta uu dalka ku yeeshay Cudurka, isla markaana Guddigaas hor keeni doonaan Golaha Shacabka Warbixin.
Cudurka COVID-19 ayaa saameyn dhaqaale farabadan ku yeeshay dalka Soomaaliya, xili uu dalka si darran ugu faafay xanuunka, isla markaana sababay in dalka laga xiro cirka iyo dhulka , cabsi laga qabay Cudurka.