shirka 3aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Puntland  Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad  Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad  Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixino laga dhageystay Madax-guddiyeedyada guddiyada Golaha.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Fadhigoodii maanta ayaa warbixinno ka dhageysteen Madax guddiyeedyada Guddiyada, kuwaas oo kormeero ku tegey, kulamo la qaatay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda Puntland, ujeeddada kulamadaas oo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee u baahan in guddiga joogtada ah wax ka qabto.
Dhinaca kalena, Guddiga joogtada ah ayaa loo qeybiyey xeerarka Goluhu ku ansixiyey kalfadhiga 46-aad kaas oo faafinta rasmiga ah lagu soo saaray, kuwaas oo kala ahaa;-
- Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Golayaasha Deegaanka Dawladda Puntland.
- Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka Dawladda Puntland.
Ugu dambayn, dhageysiga warbixinnada ka dib guddiga joogtada ahi waxay go’aamiyeen in loo yeero;
- Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland
- Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL
Wasiiradda ayaa wax laga weydiin doona cabashooyin ay ka soo gudbiyeen Madax-guddiyeedyada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Puntland.