Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeelanaya Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,kulankaas oo ay warbixin uga dhageysan doonaan Guddigii ay u xil sareen xallinta khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Gudigaan oo la magacaabay 19,kii Bishaan ayaa Maanta laga sugayaa Warbixin ku aadan halka ay mareyso xalinta qilaafka ka dhex jiro Golaha Shacabka,kaas oo ka dhashay mooshinka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka gudbiyeen gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa Dalsan u sheegay in Maanta ay sugayaan Warbixinta Gudiga iyo halka ay u mareyso qorshihii loo Magacaabay ee xalinta ahaa,iyada oo uu weli taagan yahay,isla markaana uu sii xoogeystay khilaafkii u dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Wixii kulankaas ka soo baxa kala socda Radiodalsan.com