Gudigii Gurmad Qaran ee uu shalay ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa weli waxa ay wadaan Maalintii labaad u gurmashada dadkii ay waxyeelada ka soo gartay qaraxii Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Gudigaan ayaa si KMG, ah waxa ay ugu Shaqeynayaan Xarunt Hargaha iyo Saamaha ee Magaalada Muqdisho, waxa ayna Guiga Goordhow shaaciyeen in ddka Isbitaalada Muqdisho ku jira in aan wax lacag ah laga qaadi Karin isla markaana dowladda Soomaaliya lagu soo dalacsiin doono.
“WARGELIN: Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee dhaawaca uu kasoo gaaray qarixii Zoobe, ee daaweynta ugu jira isbitaalada Muqdisho, waxaa lagu wargelinayaa maamulada isbitaaladaasi inaysan wax lacag ah dadkaasi ku dhiban, oo wixii kharash ah kusoo dalacdaan dowlada Soomaaliya.
Ujeedka arrintan ayey dowlada uga gol leedahay si aysan u dhicin in shacab dhiban oo kharash heysan u waayin caawinta isbitaalada. Sidaasi darteed, ayaa xubno ka socda dowlada ayaa isbitaalada imaan doona, kuwaasi oo idin sharixi doona qaabta aad lacagta ugu dalacaneysaan dowlada, iyaddoo la isla hubiyey kharashkaasi iyo dadka lagu caawiyey.
Mahadsanidiin,
Â