Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta waxa ay ku dhawaaqeen doorashada Saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya,kaas oo la filayo in doorashadooda ay dhawaan qabsoonto.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil(Xaliimo Yareey) ayaa waxa ay codsatey in mudo todobaad gudihiis ah ay isasoo diiwangeliyaan musharixiinta doonaya in ay ku tartamaan doorashada kuraastaas.
Saddexda Kuraas ee doorashadooda dhici doonto ayaa waxaa baneeyey Xuseen Cusmaan Xuseen oo ah Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida, Khaliif Cabdullaahi oo geeriyooday iyo Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud oo guddiga doorashooyinka u gudbiyey in uu iska casilay xubinimada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Doorashooyinka kuraasta banaan ayaa la filayaa in ay ka kala dhacaan Magaalooyinka Muqdisho Baydhabo iyo dhuusamareeb oo ah Xarunta Gobolka Galgaduud.