Madaxweynaha Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka Xaliimo yareey ayaa markale xalay kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa uu Madaxcweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka dhageystay Guddiga Doorashada warbixin ku saabsan hanaanka ay u dhici doonto doorashada sanadka 2020/2021.
Sidoo kale Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yareey ayaa Madaxweynaha iyo hay’adaha amniga dowlad Goboleedka Galmudug la wadaagtay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka 2021, waxaana Qoorqoor uu bogaadiyay waxqabadka Guddiga.
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka qaranka ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyagoona la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Madaxda sare ee maamulkaas.