Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga hirgelinta doorashooyinka Puntland iyo wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Boosaaso.
Kulankaan dhexmaray labada Guddi iyo Taliye Xuseen Cali ayaa waxaa uu ahaa mid la iskaga xog wareystay xaaladda amni ee Magaalada iyo diyaar garoowga ku aadan qabsoomida doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee ka dhaceysa Boosaaso.
Taliye Xuseen ayaa Gudigaan u sheegay in xili hore u diyaar garooween sugida amniga goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Puntland, isla markaana diyaar u yihiin sugida amniga, looga diyaariyey Ciidamo Boolis ah oo gaar ah.
Muuse Geelle Faroole oo ka tirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay tahay arrin wanagsan sida Booliska Puntland ee Boosaaso diyaar ugu tahay qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee halkaas ka dhaceysa.
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ayaa Taliska Booliska Puntland ee Gobolka Bari uga mahadceliyay qaabka ay diyaar garooween sugida amniga goobaha lagu qabanayo doorashada ee Magaalada Boosaaso oo kamid ah Magaalooyinka lagu qabanayo doorashooyinka dalka.