Guddiga Maamulka doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay qeybtii 2-aad 11 kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee taalla Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Qoraal uu soo saaray Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay inay qabanayaan doorashada 11 kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Hirshabeelle, kuwaasi oo maalmaha soo socda la qaban doono doorashadooda, sida uu qorshahu yahay.
Guddiga doorashada ayaa maalmo kahor Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku qabtay doorashada lix kursi oo ku jiray kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasii, kaasi ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay Faarax Sheekh Cabduqaadir.
Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Baladweyne sidoo kale inay ka dhacdo doorashada shan kursi, waxaana Maamulka Hirshabeelle uu noqday maamulkii labaad ee si darda leh ku wada doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa deegaan doorashada labaad.