Guddoomiyaha Guddiga maamul dhisada Galmudug Cabdinaasir Geele Cilmi  Oo shir jaraid ku qabtay Magaalada Dhuusamareb ayaa sheegay in bilaban doonto soo xulista xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Guddigu waxa uu ka wabixiyay caqabadiihii soo wajahay, waxaana ay sheegeen in caqabadahaasi ay xaliyeen,iyagoo sheegay in  Dowladu dadaal iyo  waqti badan ku bixisay, waxayna Dowladda iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug uga mahdceliyay Dadalkooda iyo sida ay ula shaqeyeen guddiga.
Gudoomiyaha Gudiga maamul dhisida Galmudug ayaa waxa uu sheegay in ay soo gabagabeeyeen tabarkii odayaasha dhaqan, kaasi oo ku aadana soo xulista xildhibanada cusub, isla markaana hada wixi ka dambeeya ay bilaabi doonan tabashooyinka ka imaanaya xildhibaanada lasoo xulayo iyo hubin xildhibaanada cusub iyo in ay soo mareen sifo sharciya.
Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug uu yeelanayo ayaa koobn 89 xubunood, waxaana marka lasoo dhameystiro laga sugaya inay doortan Guddoonka Cusub iyo Madaxweynaha Galmudug hogaamin doono.