Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ee uu Magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo saaray habraaca Doorashada Galmudug.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashada Galmudug lagu qaban doono Caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb, isla markaana la qabto Doorashado xor iyo xalaal ah oo si cadaalad ah loogu simanyahay.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ay ka koobnaan doonaan 89-Xildhibaan, waxaana 54 xubnood soo xulaya Odayaasha dhaqanka Galmudug, halka 35 xubnood ay soo xuli doonaan Ahlusunna Waljameeca.
Guddiga ayaa faray dhinacyada soo xulaya Xildhibaanada inay xaqiijiyan qoondada Dumarka iyo Awood qeybsiga beelaha degan Galmudug.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga.