Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inay gaaran Guddiga Doorashada Galmudug oo dhawaan ay Magacaawday dowladda.
Guddigan oo kooban 13-xubnood ayaa dowladda Federaalka u xilsaartay inay ka shaqeeyaan dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay, iyagoona saacadaha soo socda tegaya Dhuusamreeb.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya la geeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada, kuwaasi oo siweyn u adkeeyay amniga.
Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Guddiga halkaas ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye.
Guddiga Doorashada Galmudug oo ay Magacaawday dowladda ayaa waxaa la tilmaamay in maalmaha soo socda ay Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabi doonaan Qaban-qaabada Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhinaca kale Dhuusamareeb waxaa ku sugan Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug oo uu magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug.
Khilaafka u dhexeeya dowladda iyo Ahlusunna ayaa Cirka isku sii shareeraya, kadib markii Ahlusunna ay Magacaawday Guddiga Doorashada Galmudug oo kal hore dowladda Federaalka ay Magacaawday, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood.