Guddiga Doorashooyinka oo ay magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay kusoo saaran Jadwalka Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Guddigaan oo ah kuwo lagu muran yahay ayaa shalay Hotel ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Guddoomiyaha noqday Maxamed Xasan Cirro.
Warar lagu kasoonaan karo oo heleyno ayaa sheegaya in Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan hirgelinta Jadwalka doorashada Senatarada Aqalka Sare oo ay soo saari doonaan.
Guddiga ayaa sida aan xogta ku helnay qorsheynaya inay hirgelinta Jadwalka ay soo saari doonaan ku bilaaban Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug oo noqon doona maamulada ugu horreeya ee taageersan DFS oo qabta doorashada Golaha Aqalka sare.
Inkastoo uu muran ka taagan yahay guddiyada doorashada ee Xukuumadda magacawday iyo hannaanka dowladda Federaalka u wado doorashada ayaa waxaa muuqata in dowladda Federaalka aysan ka Jawaabin baaqyadii Musharaxiinta Madaxweynaha ay horey u soo saareen.
Musharaxiinta ayaa tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka hee Federaal ay yihiin kuwo sharci darro ah, isla markaana ay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha Dowladda, ay doonayaan in Isbedel lagu sameeyo.