Maanta ayaa markale waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeelan doona Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka kaas oo ay kaga hadli doonaan xaalada amni ee dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
Shalay ayaa Guddigaan waxa uu la kulmay masuuliyiinta laamaha amniga Soomaaliya sida, Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashandhiga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas..
Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Gelinka dambe ee Maanta ay markale kulmi doonaan isla markaana ay heli doonaan xog dhameystiran si ay ugu gudbiyaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Mudo bil Gudahood ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay laba weerar oo geestay dhimashada in ka badan 400, oo Ruux, halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay taas oo keentay in Guddigaan ay shiraan