Magalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya kulankaas oo ay kaga hadlayeen arrintii xiisada faraha badan dhalisay ee ku aadan wareejintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.
Inta uu kulanka socday ayaa Xildhibaanada ay ku kala aragti duwanaayeen arrinta Qalabi Dhagax, qaarkood ayaa wareejintaas ku taagersanaa dowladda halka qarkood ay ka soo horjeedeen.
Dood dheer kadib Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay in Guddi ka soo tala bixiya arrintaan loo saaray isla markaana xildhibaanada dib loogu soo celin doono.
Kulanka Baarlamaanka oo Maanta ahaa mid xasaasi ah ayaa Shacabku isha ku wada hayeen, waxaana soo baxay wax ka duwan waxa ay filayeen maadaama ay jireen Xildhibaan ku kala aragti duwan Go’aanka Xukuumadda oo ay ku wareejisay dowladda Itoobiya Cabdi Kariim muuse Qalbi Dhagax