Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshayntaiyo iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan la qaatay Wasiirada Maaliyadda iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa in Guddia La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ay su’aalo kala duwan weydiiyaan Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Maxamuud Macallin Yaxye.
Guddiyada ayaa Wasiir Beyle wax ka weydiiyay odorka Miisaaniyadda 2021-ka iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda, wuxuuna tilmaamay in si habsi ah ku socdaan shaqooyinka Wasaaradda.
Sidoo kale Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshayntaiyo iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta wax ka weydiiyay arrimo ku aadan Xajka.
Kulanka waxaa shir guddoominaayey Ku-simaha guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda JFS, ahna guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan, isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiyada.