Fiinalka tartanka kubbadda Cagta demooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu balansanaa in Caawa oo ay taariikhda ku began tahay 07-09-2017 in lagu soo gaba gabeeyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan Garoonka Banaadir, xili habeen ah balse la sheegin in dib loo dhigay.
Kulanka kama dambeysta ayaa waxaa soo gaaray degmooyinka Waaberi iyo Hodan oo ka soo kala adkaaday Kaaraan iyo Hiliwaa.
Finaalaha ugu dambeeya ayaa waxa la Ciyaari doonaa habeen dambe iyadoo wali lagu mashqulsanyahay sidii leerar Iftiin badan loogu xiri lahaa garoonka si  habeen dambe oo taarikhdu tahay 8/9/2017 loogu ciyaaro
Taariikhda ayaa inta la xasuusto tan iyo Burburkii dalka  waxaa Caawa si tijaabo ah uga wada ciyaari doona laba Kooxood oo aan weli guddiga uusan Shaacin Magacyadooda si Habeen dambe tartankaan loo soo gabagabeeyo