Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku xanuunsanaya Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida aan wararka ku helnay.
Goodax Barre oo markii hore xaalad Caafimaad looga qaaday Muqdisho ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Turkiga, isagoo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku xanuunsanayay, isla markaana lagu sameeyay Qalliin, kadib markii uu xanuun darran qabtay.
Ilo-wareedyo ku sugan Magaalada Ankara ayaa soo sheegaya in Wasiirkii hore ee Waxbarashada Gooda Barre Qalliinka looga sameeyay dhinaca Garabka, laguna guuleystay, ayna Qaliinka fuliyeen dhaqaatiir Turki ah.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda Caafimaad ee Goodax Barre ay hadda kasoo hagaageyso sidii hore, xili la sheegay in markii laga qaadayay Caasimadda dalka ee Muqdisho uu haayay xanuun darran, uuna ka dareemyay Garabka laga qalay.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaan kamid noqon Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdullaahi Abuukar Xaaji.